Saxilnews.com
Akhriso :- Taariikhda Saxafiga Loo Magacaabey Tifatiraha Cusub Ee Idaacada BBC-da
July 3, 2017 - Written by suxufi

London (Saxilnews):- Idaacada BBC da ayaa waxaa ay yelatey Tifatire cusub waxaana loo magacaabey

WariyeCabdullahi Sheekh Cabdirisaaq oo noqonaya qof kii ugu horrey oo Soomaali ah oo laanta madax ka noqda tan iyo markii uu is casilay Yusuf Garaad Cumar sanadkii 2012-ka.

Image may contain: 1 person

 

Ka hor intaan xilkan loo magacaabin, Cabdullahi waxaa uu muddo lix sano ah mas’uul ka ahaa xafiiska BBC Somali ee ee magaalada Nairobi.

Cabdullahi waxaa uu waxbarasho heer Ph.D la wadaa Jaamacadda Moi ee dalka Kenya. Shahaadada master-ka waxaa uu ka qaatay Jaamacadda Nairobi, isagoo ku takhasusay Saxaafada.

 

Sidoo kale Cabdullahi ayaa Shahaadadiisa koobaad ee Jaamacadda waxaa uu ka soo akhristay dalka Sudan. isagoona ku hadla afar luqadood oo kala ah Soomaaliga, Carabiga, Swaaxiliga iyo Ingriiska.

COMMENTS
Latest News