Saxilnews.com
Akhriso. Fariinta Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland U Direen Madaxwaynaha S/Land
October 2, 2018 - Written by qaasim Mukhtar

Berbera.( Saxil.News) Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo qabsadday Xafladda Sanadguuradii 23′ aad iyo Codsiyo ay u direen Madexweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda.

Markii Koobaad ee Sanad Guurro loo sammeeyo Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha Soomaaliland ayaa lagu qabtay Xaflad balaaadhan si heer sare ah loo soo agaasimay taas oo ka dhacday Taliska Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Magaaladda Berbera Taliye guud ee ciidanka Xeebaha Gaashaanle Sare General Maxamed Xiirane ayaa Hirgaliyay in la xuso Sanadguuraddii Koowaad ee Aasaaska ciidanka Ilaaladda Xeebaha oo la Aas-aasay 1995 waxaanna Aas- Aasay Madexweyne Maxamed X. IBRAAHIN CIGAAL waxaanna lagu Aas-Aasay Magaaladda Berbera.

Waxay Maamulka sare ee ciidanku codsi u direen Madexweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi waxaannay ka codsadeen in Ciidan badan loo qoro, Miisaaniyad ku filana loo sammeeyo sida shidaal, Gaadiid iyo Qalaba.

Ciiddamadaasi waxay ilaalliyaan Xeeb Dhererkeedu yahay 850km, waxaannay ilaaliyaan khayraadka ku jira iyo budhcad badeedka, Qashinka lagu shubo badaha, ka hor tagga Xatooyadda iyo kootarabaanka badda iyo ilaalinta Kalluunka.

Waxaannay Xeebaha u ilaaliyaan si ay uga hortagaan Tuugadda ka dhoofisa Hubka, Xoolaha iyo Waxkastoo sharci daro ku ah baddahaba! Tolow Hawlahaasi Miyaanay Kharash, Gaadiid iyo Miisaaniyadba u baahnayn.

Shaqooyinka ay hayaan Ciidamadda Ilaaladda xeebuhu waa mid muhiim u ah qaranka waanna mid u baahan in lagu Abaaliyo oo lagu taageero.

Wasiirka Maaliyadda ayaa ay ka codsadeen Maamulka ciidanku innuu Shidaal badan u qoro si ay shaqada iyo Ilaalinta xeebaha u laban laabaan.

Hambalyo ayaan leeyahay Ciidanka Ilaaladda Xeebaha waxaad tihiin Laf dhabar muhiim u ah Qaranka.

Rakad Mxd Sultan

Farxaanmxd@gmail.com

Berbera.Somaliland

COMMENTS
Latest News