Saxilnews.com
Akhriso:– Axmed Ismaaciil Samatar Oo Taxay Qodobo Mihiima Oo Somaliland Ay Citiraaf Ku Heli Karto
May 21, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

London (Hangoolnews.com) 26 sano ayaa hadda laga joogaa markii jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanideeda ee Somaliland ay sheegtay in ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale, haseyeeshee wali Somaliland wax aqoonsi ah kama aysan helin caalamka intiisa kale.

Somaliland ayaa madax-bannaanideeda ku dhawaaqday 18-kii May sanadkii 1991-kii oo hadda laga joogo muddo 26 sano ah, waxaana muddadaasi madaxda Somaliland ay ku dedaalayeen sidii ay aqoonsi uga heli lahaayeen qaramada Midoobewy iyo caalamka intiisa kale, waxaana xitaa jiray wadahadalo u dhaxeeyay Somaliland iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Haddaba dedaallada aqoonsi raadiska iyo caqabadaha hortaagan ayaan wax ka weydiinay bare-sare Axmed Ismaaciil Samatar, waxa uuna u waramay weriyaha BBC-da Aadan Maxamed Cabdi saalamiin.

Pro. Axmed isaga oo ugu horeyn  arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Intaan ogahaydee mabay dhaqaaqin jimciyada quruumaha ka dhaxeysa xageena iyo xagoodaba inaanay isla jaanqaadin, markaa inta aan ogahay Somaliland iyo United Nation-ka aqoonsiga meel farta lagu fiiqi karo oo ay mareyso kama war hayo”

Pro. Axmed waxaa uu sheegay inaan aqoonsiga sidan la moodayo leysku siin laakiin dadaal loo galo waxaanu yidhi “Anigu intaan aduunyada ka aqaano aqoonsi leysuma keeno ee waala doontaa, wadamada aduunyada ee la aqoonsaday  ee kuraasta ku lihina waa dad kasbaday, Somaliland-na dadaal badan wey keentay oo nabad-galiyadu ka mid tahay oo ah dawlad dhisan shan iyo labaatankaa sanadood ee ugu danbeeyay, hase ahaate waxaa wali dhiman dadaalkii waxaas oo dhan inta leysku duudubo in laga dhigo war aduunyada deeqa”

“Jimciyada quruumaha ka dhaxeysaa inta ay aduunyada eeg eegto ma tidhaaho, cidaas ayaanu aqoonsaneynaa, Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysaana waa urur ay abuureen wadamada aduunyada ayaa abuurey iyaduna gooni uma taagna, aduunyada wadamada ka tirsan ee abuuray ayay Jimciyada quruumaha ka dhaxeysaa ku tiirsan tahay, aqoonsiga Somaliland loo raadinayo maaha in Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa laga raadiyo ee waa in wadamada kartida iyo awooda leh ee cid riixi kara in kartideedi la muujiya oo la guda galaa”Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar

Axmed Ismaaciil waxaa uu soo jeediyay saddex qodob oo ay Somaliland beesha caalamka Citiraaf kaga heli karto waxaanu yidhi “Dadka reer Somaliland xaq ayay u leeyihiin in aduunyadu garato oo kursiga ay leeyihiin ay helaan, waana in dadaal cusub la keena dawlada danbee dhalaata in fikir cusub iyo karti cusub oo ay Ictiraaf ku raadineyso waa inay la timaada, oo arrintaasi ku dhaqaaqdo, 1–intaanad aduunyada uba dhawaaqina inaad isku duba rido qadiyadu waxaa ay tahay oo iyada oo la calashan karo oo la liqi karo aduunyada laga dhaadhiciyo, si cilmiyeysan in loo qoro oo oo leysku hagaajiyo leyskuna duba rido, 2– in dadkii qadayay ee kartideeeda lahaa iyadana in mida la soo saaro, oo aanay noqon dad leyska magacaabo ee dad ay fikirkoodu wax keeni karaan oo masuuliyadaasi weyn qaadi kara, 3– in la garto oo aad iyo aad loo qiyaaso oo la calaamadiyo dhulka la geynayo wadamada aduunyaduna waa ay badan ee afrika oo qudha ayaa dhawr iyo afartan wadan ah”

 

COMMENTS
Latest News