Saxilnews.com
Akhriso ]:­ Xog Ku Saabsan Kulan Xalay Madaxtooyadda Ku Dhex­ maray Xisbiyadda Qaranka Iyo Madaxweyne Biixi + [ Arrimaha Lagaga Wada­hadlay]
September 24, 2018 - Written by qaasim Mukhtar

(Saxil.news.com) Kulan Saddex Geesood Ahaa Oo Madaxtooyada Somaliland ku dhex­maray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hoggaaminaayey
dhinaca Xukuumadda iyo madax ka kala socotay Xisbiyada Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID, ayaa
laga ga wadahadlay arrimo khuseeya xaaladda taagan ee dalka, qabyaaladda, kala qeybsanaanta
shacabka, arrimaha amniga iyo weliba sida oo kale hoos u dhaca ku yimi siyaasadda arrimaha dibadda ee
Somaliland.
Ma jiraan warar ka soo baxay dhinacyada kulmay
balse wararka laga helayo ayaa waxa ay
sheegayaan in kulankan uu dalbadey Madaxweyne
Biixi isla mar ahaantaana dhinaca Xukuumadda ay
goob­joog ka ahaayeen Madaxweyne Muuse, Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan
Saylaci, Wasiirka waxbarashada Mudane Faratoon
iyo Wasiir Xasan Gaafaadhi, halka xisbiga WADDANI na ay ka socdeen Murashax
Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiye Cabdiqaadir
Jirde iyo guddoomiye ku xigeeka 1aad ee
Xisbigaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed, halka
Xisbiga UCID na ay ka socdeen Guddoomiye
Faysal Cali Waraabe, Murashax ku xigeenkiisii
Mudane Abyan iyo Xoghaye ku xigeenka guud
Naasir Qodax.
Wararku waxa ay sheegeen in kulankaas la isku la qaatay siddii wada­shaqeyn buuxda ay arrimaha
qaranka uga wada yeelan lahaayeen Xisbiyada qaranka Somaliland isla mar ahaantaana loo xoojin lahaa
hay’adaha dawladnimo iyo Xisbiyada qaranka si looga baxo qabyaaladda iyo tafaraaruqa ka jira dalka.
Waxa kale oo ay wararku tilmaameen in Xisbiyada Mucaaradku ay Madaxweynaha u soo jeediyeen in
uu dhageysto tabashooyinka ka soo yeedhaya shacabka Somaliland isla mar ahaantaana uu wax ka qabto
wixii jira ee dhibbaato ah, waxaana ay tibaaxahu sheegayaan in Madaxweynahu isla goobtaas ba uu ku
aqbalay wax ka qabashada tabashooyinka jira sida oo kale na uu ka codsadey Xisbiyada mucaaradka ah
in ay kala shaqeeyaan siyaasadaha arrimaha dibadda, amniga dalka iyo weli ba sida oo kale xaaladaha
kala duwan ee qaranka la soo darsa.
Arrimaha kale ee la isku la qaatay kulankaas, ayaa waxa ka mid ah in arrinta Doorashada na ay ka wadahadli
doonaan guddiyada ay u xil saareen Saddexda Xisbi qaran oo dhinacii ba ka kooban yahay Lix
Xubnood oo ay ku jiraan Madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha Xisbiyadu. Waxaana kulanka ugu
horreeya ay xubnahaasi isku arki doonaan maalinta Salaasada ee fooda inagu soo haysa iyaga oo ka
wada­hadli doona arrinta dooda adagi ka tagan tahay ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

COMMENTS
Latest News