Saxilnews.com
Akhri:-Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Noqdey Wasiirkii Ugu Musuq-Maasuqa Badnaa Ee Abid Soo Mara Somaliland Iyo Waxyaabaha Sababta U Ah
March 9, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews):-Wasiirka Madaxtooyada ee wakhti xaadirkan haya xogta Aqalka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa noqday masuulkii ugu nasiibka badnaa ee Somaliland soo mara qabtana xilka Wasiirka Madaxtooyada Somaliland  muddadii ay jirtey Somaliland laga soo bilaabo 1991 kii.

Wasiirka Maxamuud ayaa waxaana uu nasiib u yeeshay in uu maamulo Lacagihii ugu badnaa ee Somaliland so mara isaga oo arintaasi bedelkeeda dalka u horseedey Musuq maasuqii ugu badnaa ee Somaliland ka dhaca

Waxaanu  noqdey wasiirkii ugu maasuq maasuqa badnaa ee soo mara Somaliland Mudadii ay jirtey iyada oo qodobo cadaymo ah aynu ku soo bandhigi doono Qormadan isla markaana aynu mid mid u dul istaagi doono mashaariicda kala duwan ee uu maamulay iyo siyaabihii sharciga baal marsanaa ee uu ugu takri falay Hantida Qaranka,

Waxaana uu ku soo beegmay xili ay xukumada Axmed Maxamed Siilaanyo dalal dhowr ah oo u badan Khaliijka uu ka helay mucaawimooyin kala duwan oo ay ugu talo galeen in ay Somaliland kaga taageeraan dhinacyada horumarinta kaabayaasha arimaha bulshada iyo dano dhinacooda ahba oo ay ka leeyihiin mustaqbalka Somaliland.

Mashaariicda uu lacagahooda isagu maamulay ayaa waxa ka mid ah deeqo ka yimi dalka Kuwait iyo sidoo kale mashaaricda maal galineed ee dawlada Imaaraatku ku kiraysatay Dekeda Berbera iyo sidoo kale qorshaha ay doonayso in ay Berbera ka yagleesho saldhig Milatari. Kuwaasi oo ay ku bixisay Malaayiin Doolar.

Lacagahaasi oo uu maamulkeeda nasiib u yeeshay Maxamuud Xaashi xiligii uu ahaa Wasiirka Duulista iyo hada oo uu yahay Wasiirka Madaxtooyada una igmaday Madaxwayne Siilaanyo maadaama uu aad u Da’wayn yahay Madaxwaynihii la doortey Xukunka Talada dalka  gacan yarihiisa koobaadna uu isagu yahay.

Waxaanu gacanka ku dhigay Maamulka Lacagihii kala duwanaa ee dalalka Carabtu soo gaadhsiiyeen Somaliland oo ay ugu horeysay Dawlada Kuwait oo Lacag dhan 10 Milyan oo Doolar ugu Deeqday dhismaha Madaarada dalka iyada oo badiba Shacabka Somaliland aaminsan yihiin in Wasiir Xaashi oo boqolkiiba Konton 50% jeebka ku shubtey lacagtaasi Xukumada Kuwait ugu talo gashay in ay Somaliland Madaaradeeda ku casriyeyso,

xiligaasi oo uu Wasiirkani ahaa isla Wasiirka Duulista iyada oo dadka intooda badan marka ay arkaan dhismaha Madaarka Caasimada Hargeysa ay la yaab ku noqotay dayaca ka muuqda iyo xadiga lacagta loogu deeqay dhismaha Madaarada dalka iyada oo ay xusid mudan tahay in aanu jirin Madaar kale oo dalka ka shaqeeya.

Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kale waxa uu mudadii uu ahaa wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Madaarka Cigaal ka hir gashaday mashaariic gaar u ah isaga oo uu cid kale ku magacaabay isaga oo sidoo kale ku soo rogay Dhoofayaasha iyo Soo degeyaasha Madaar lacago gaar ah oo ilaa iyo haatan oo uu yahay wasiirka Madaxtooyada si gaar ah ugu dhaca Jeebkiisa.

La soco Qaybo dambe oo ka mid ah Qoraalada Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Noqdey Wasiirkii Ugu Musuq-maasuqa Badnaa ee abid soo mara Somaliland iyo waxyaabaha daliilka u ah.

Xigasho Hangoolnews

COMMENTS
Latest News