Saxilnews.com
Akhri:-Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Marka Uu Dalka Joogo Madaxwayne Siilaanyo Iyo Marku Ka Maqan Yahay?
March 16, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo dhawaan ka soo laabtay Fasax qaatey mudo sadex todobaad ah oo uu ugu maqnaa dalka UK.

Iyada oo xiliga uu dalka ka baxay Madaxwayne Siilaanyo uu ogaa ama ka war hayay xaalada abaareed ee gaadhay halkii ugu saraysay taasi oo aanu hal mar la arag isaga oo arimahaasi ka hadlaya.

Soo labaashadii Madaxwayne Siilaanyo ee dalka ayaa ku soo beegantay xili ay Golaha Guurtidu Mudo xileedkiisii Madaxwaynenimo ugu kordhiyeen Mudo Sideed Bilood ah sababo la xidhiidha dhinaca abaaraha ayaa waxa ay dhamaanba shacabka Somaliland u dhegtaagayeen in uu ka hadli doono soo laabashadiisa arimo la xidhiidha Mudo kordhinta loo sameeyey iyo sidoo kale Xaalada Caafimaad oo xiligaasi la soo warinaayey in ay aad u liidato.

Hase yeeshee Madaxwayne Axmed Siilaanyo markii uu soo laabtey arimihii laga filaayey midna kamuu hadlan taasi oo shaki badan ku abuurtey Shacabka iyada oo inta ugu badan ay iswaydiinayeen sida xaalku yahay Maadaama uu qaab dhismeedka jidhkiisuna maalintaasi ukaa qof caafimaad qaba.

Hadaba aamusnaanta madaxwayne Siilaanyo ee xaalada adag ee bulshadiisu ku jirto iyo ka hadal la,aanta ayaa sii kordhisay Walaaca ay reer Somaliland ka qabaan Xaalada caafimaad in aanay caadi ahayn boqolkiiba Sagaashan.

Iyada oo taas bedelkeeda sida ay aaminsan yihiin dadka u dhuun daloola siyaasada Somaliland in Gacantii talada dalku u gashay Shaqsiyaad hadba dhinaca ay doonaan u jiheeya xaalada guud ee dalka,

Waxaana taas bedelkeeda shacab waynaha Somaliland si caadi ah ula qabsadeen xaalka xukunka Madaxwayne Siilaanyo ee aan la qiimayn Karin.

Waana iskugu mid haatan hadii uu dalka ka maqan yahay Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo Hadii uu joogo labadaba maadaama ayna jirin wax isbedel xukun ama dhaq dhaqaaq madaxwaynenimo oo ay dareemayaan ka shacabku madaxwaynihii ay u doorteen in oo hogaamiyo mana jirto wax farqi ah oo u dhaxeeya joogitaankiisa iyo ka maqnaanshihiisa

Xigasho Hangoolnews

COMMENTS
Latest News