Saxilnews.com
Akhri:-Magaca Iyo Qabiilka Xildhibaanka La Filaayo In Uu Noqdo Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Somaliya Oo Ka Soo Jeeda Somaliland,
January 21, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Muqdisho(Saxilnews):-magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somaliya waxa ka socota qaban qaabada iyo diyaar garowga shirka doorashada gudoonka aqalka sare ee Somaliya oo la filaayo in ay dhacdo 22 bishan koowaad oo ku beegan maalinta Axada ah,

Booska Gudoonka Aqalka sare ee Somaliya ayaa waxa la siiyey in ay noqdaan Mid ka mid ah Beelaha dega Somaliland kuwasi oo aqalka sare ee Somaliya ku leh 11 xubnood iyo sadex xubnood oo dib loogu daray inkasta oo aan wali la magacaabin saddexdaasi Xubnood,

Waxaana maalmihii ugu dambeeyey Gudaha Caasimada Muqdisho ka socoto kala jiidashada xilka gudoonka aqalka sare iyada oo ilaa iyo haatan buuxinta booskaasi uu ugu cad cad yahay Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulahi oo ahaa musharaxii ugu horeeyey ee loo doorto xildhibaanada matalaayay Somaliland isaga oo kursiga kaga guulaystey Maxamuud Jirde Xuseen oo ahaa musharaxii la tartamaayay,horena uga mid ahaa xildhibaanadii kala duwanaa ee tobankii sano ee ugu dambeeyey ku jirey Baarlamaanka Somaliya.

Seneter Cabdi Xaashi Cabdulahi ayaa ka soo jeeda Beesha Awal/Sacad Muuse waana musharaxa ilaa iyo haatan badinaayo in uu qabto booska Aqalka sare ee Somaliya, waxa isaguna dhankiisa musharaxnimadiisa ku dhawaaqay maareeye Ku xigeenkii Tvga Qaranka Somaliland Seneter Mustafe Qodax oo dhawaan isna loo doortey Aqalka Sare ee Somaliya shaaciyeynna in uu u taagan yahay qabashada xilka gudoonka aqalka sare e Somaliya waxaana maanta la dhagaystey Khudbadaha labadan Musharax oo u wada taagan xilka gudoomiyaha Aqalka sare ee Somaliya,waxana tartanku uu dhex mari doonaa labadooda oo kaliya,

Geesta kale booska ku xigeenka ayaa waxa ku tartamaya todoba Seneter oo kala ah

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka koowaad.

  • Xasan Faarax Xujaale.
  • Axmed Xaashi Maxamuud
  • Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
  • Abshir Maxamed Maxamuud.
  • Cabdi Axmed Dhuxulow.
  • Maxamuud Axmed Maxamuud.
  • Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka Labaad.

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  2. Osmaan Axmed Maxcow.
  3. Iftiin Xasan Baasto.
  4. fartuun Cabdulqaadir Faarax.
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macalin Xasan

Maalinta Bari ah ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashada Gudoonka Aqalka sare ee Somaliya.

COMMENTS
Latest News