Saxilnews.com
Akhri:– Dawlada Sucuudiga Oo Ku Dhawaaqday Natiijada Baadhitaan Ay Ku Sameysay Xoolaha Somaliland Iyo Go’aamo Hor Leh Oo Ay Ku Dhawaaqday
April 11, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews)Waxaa dhawrkii maalmoood ee ugu danbeeyay kormeer ku maray maxjarada lagu baaro caafimaadka xoolaha nool ee loo dhoofiyo dibedda ee ku yaalla magaalooyinka Berbera iyo Burco koox dhakhaatiir xoolaha ah oo ka socday wasaaradda beeraha iyo xoolaha dalka Sacuudi Carabiya.

Sidoo kale waxaa la shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee la furayo suuqi xoolaha Somaliland ee la xayiray

Dhakhaatiirtan Sacuudigu waxay eegayeen tayada shaybaarada caafimaadka xoolaha iyo goobaha lagu sii nasiyo xoolaha, iyadoo sida laga warqabo Sacuudi Carabiya oo ahayd sayladda ugu weyn ee xoolaha Soomaalida loo dhoofiyo ay joojisay xoolaha Soomaalida bishii Oktoobar 2016.

Maxjarada Berbera ee ay tageen dhakhaatiirtaasi ka sokow waxay shalay tageen maxjar ku yaalla magaalada Burco.

Haddaba arrintan ayaa waxaannu ka wareysannay, wasiru dowlaha Xanaanada Xoolaha Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud (riyaraac), oo u warramay Suheyba Maxamed Badqas.

Cabdirashiid isaga oo arrimahaasi ka hadleya waxaa uu yidhi “Dhakhaatiirtu inay meel walba maraan oo Berbera maaraan oo Muqdisho ku danbeeyaan ayaa loo soo diray boqolkiiba boqol ayay ku qanceen  baadhistoodi waxaana ay  noo sheegeen dhab ahaan inay xooluhu caafimaad qabaan inkasta oo ay jirto qodobo koob kooban oo leysula noqonayo ka dawlad ahaan lagana wada hadlayo sidii looga sidii aan wax danbe u dhici laheyn, waxaaana na loo sheegay in wakhtiga bisha Rabaadaan ka horeysa xoolihii la fasaxayo hase ahaate leys dhaafsan doono qoraalo anaguna aanu ka jawaabi doono arrintaasi marka ay meel fadhiisato uun xoolaha la furayo iyo nidaankii neefka xoolaha ah la marin lahaa inta gaadhiga laga soo saarayo ilaa laga gaadhsiinayo maxrajka”

COMMENTS
Latest News