Saxilnews.com
Akhri;-Dawlada Somaliya Oo Dalkeeda Ka Mamnuucaysa Laba Wariye Oo Caan Ah+Magacyadooda Iyo Sababta,
January 9, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Muqdisho(Saxilnews):-Xukumada federaalka ah ee Somaliya ayaa qorshaynaysa in ay gabi ahaanba ka mamnuucdo laba saxafi oo caan ah in ay wax warbixin ah ka diyaariyaan dalka Somaliya,

Dawlada Xasan Sheekh ayaa waxay Madaxa ugu sareeya ee haayada Nabad sugida Somaliya ee loo yaqaan NISA ay ku wargalisay in ay gabi ahaanba ka mamnuucdo in ay dalka Soo galaan labadaasi wariye oo Soomali ah laguna kala magacaabo Jamaal Osman oo Chanel 4tv ka shaqeeya oo ah telefishan laga leeyahay Dalka Ingiriiska iyo ahna mulkiilaha Dalsoor  sidoo kale Wariye Xamse Maxamed oo ka hawl gala telefishanka Alzaseera qaybtiisa Irgiriisiga,

Labadan wariye ayaa lagu haystaa in ay Warar kala duwan ka soo baahiyeen Xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta dalka Somaliya isla markaana ay u fidiyeen muuqaalo waraysi ah oo ay ku sharciyeysanayeen Alshabaab Dilalka xagjirnimada ah,

Haayada Sirdoonka Somaliya ayaa sheegtey in ay ka shakisan yihiin in xidhiidh ka dhaxeeyo labadan wariye oo inta badan waraysiyo ka qaada Masuuliyinta Allshabaab iyada oo si wayn loo soo dhaweeyo xiliyada ay booqdaan kooxda shabaab,

Qaraarka ay Nisa shaqada kaga joojinaysa in ay wax war ah ka soo diyaariyaan Somaliya ayaa ku soo beegmaysa xili dhawaan Xamse Maxamed Waraysi uu la yeeshey afhayeenka alshabaab lagana sii daayay Warbaahinta Dalsoor oo uu leeyahay Jamaal osman

COMMENTS
Latest News