Saxilnews.com
Akhri:–Dareenka Ay Ka Bixiyeen Sadexda Xisbi Qaran Ku Dhawaaqista Tirada Guud Ee Somaliland Isku Diwaan Galisey Codaynta Doorashooyinka La Filaayo In Ay Dabayaaqada Sanadkan Dhacaan
March 28, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saixlnews):-Xisbiyada Qaranka Somaliland oo goob joog ka ahaa goobtii lagu soo bandhigaayay tidada dadkii isku diwaan galiyey Doorashooyinka ayaa waxa ay ka hadleen dareenkooda iyo sida ay arintaasi u arkaan.

Ugu horeyn xog haye ku xigeenka guu ee xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay Gudida Doorashooyin.

“Aad iyo aad ayaan komishanka ugu mahad-naqaynaa diyaar garowga fiiican  waanan ku hambalayeynayaa, waanan mu guubaabinaynaa hawshaa baaxada leh ee ku sooo foo leh inuu illahay la qabto,”Ayuu yidhi C/naasir Qodax

Dhanka kal Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Afhayeenkiisa Xasan gaafaadhi ayaa waxa uu ka Hadley dareenka xisbigooda eek u saabsan soo bandhigida diwaan galinta cod bixiyayaasha Doorashada Somaliland waxaanu yidhi.

“Waxaan ku hambaylyeynayaa guddida doorashooyinka qaranka  jadwalkan quruxda badan ee ay soo jeediyeen ee iskugu jira kaadh qaybinta  kuna siman ilaa iyo muddda maalinta ay doorashadu dhacayso, shaqo weyn ayaa dhacday waxaan illaahay  ka rajaynaynaa inuu sida uu qorshu yahay ay u dhacdo.”

Ugu Dambayntii waxa isna halkaasi ka haddlay Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaradja ah ee WADDANI Maxamed C/laahi Uur-cade , Isagoo soo dhaweeyey dhawaqa ka soo yeedhay Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland

“Doorashooyinkii iyo diiwaangelintii iyo wakhtigoodii  ay komishanku cayimeen, in kastoo ay horeba u cayimeen, maanta waxaan rajaynayaa in ay tani noqoto tii runta ahayd ee lagu shaqaynayey.”Ayuu yidhi Xoghayaha Xisbiga WADDANI Maxamed C/laahi Uur-cade.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News