Saxilnews.com
Akhri:- Af-Hayeenka Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sarre Oo Digniin Adag U Jeediyay Ardayda Imtaxaanka U Fadhiisanaysa
June 21, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews)- Af-hayeenka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sarre ee Somaliland Mudane Cabdilaahi Ibraahim Xasan ayaa digniin adag u diray dhamaanba ardayda u fadhiisanaysa Imtaxaanka shahaadiga ah ee dugsiyadda sarre iyo dhexe waxaanu ugu baaqay in ay ka waan toobaan wakhtiga imtaxaanka la galayo in ay soo qaataan waxyaabaha ka mid-nuuca ah ardayga sidda “Mobile-ka” waxaanu af-hayeenku sheegay in doorkan la adkeeyay nidaamka loo qaadayo imtaxaanka shahaadiga ah.

Geesta kale waxaa uu ugu baaqay Afhayeenka wasaaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sarre ee Somaliland dhamaabta waalidiinta in ay maalinta imtaxaanku bilaabmo ilaa iyo inta uu ka dhamaanyo ay caruurtooda subaxii ka reebaan mobilka si loo tayeeyay waxbarashadda waalidkuna u ogaado heerka aqooneed ee ilmahiisa si looga maarmo ayuu yidhi Cabdilaahi Ibraahim Xasan Qishka.

Gababaddii waxaa uu baaqiisan ku soo gunaanaday in wasaaraddu talaabo adag ka qaadayso maxkamaddana horgayn doonto cid kasta oo ku kacda waxii wax u dhimayo Imtaxaanka Shahaadiga ah Jamhuuriyadda Somaliland.

COMMENTS
Latest News