Saxilnews.com
Akhr:– Warbixin Cajiiba Oo Laga Diyaariyay 81-Jir Haysata Phd Oo Qashinka Gurta Wadanka Ay U Dhalatay + Sawiro
June 8, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Lubnaan (Saxilnews) Haweeney 81-jir ah oo sameysay koox haween kaliya ah oo qashinka ka uruurisa tuulada ay ka deggan tahay dalka Lubnaanayaa haatan waxaa ku soo qulqulaya dad fara badan oo waydiinaya qaabka ay howshan u qabatay.

Sagaal bilood oo ka mid aheyd sanadihii 2015 iyo 2016 ayaa waxaa waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Bayruut buuxiyay qashin, ilaa iyo haatanna malahan goobo lagu qubo qashinka taas oo ka dhigtay in qashinka qaar ka mid ah magaalooyinka lagu qubo badda.

Saynab Muqallid ayaa la timid qaab cusub oo ay isticmaali karaan dadka caadiga ah kaddib markii ay dowladdu ku guuldaraysatay inay arrinta wax ka qabato.

“Meelkasta qashin ayaa daadsanaan jiray carruurtuna waa ay ku wasakhoobi jireen,” Saynab Muqallid.

Waxa ay xasuusataa 1980-tamaadkii ilaa 90-meeyadii, markii Israa’iil ay 15 sano haysatay qeybo ka mid ah koonfurta dalka, markaas oo qashin uu xiray tuuladeeda, Carabsaalim.

Sanado badan ayaa la soo maray, qashinkuna wuu sii bataa un, kaddib ayey Muqallid u tagtay barasaabka gobolka si uu gacan uga gaysto arrintan.

“Maxaad u danaynaysaa? Paris ma joogno,” ayuu ku yiri.

“Waan ogaa maalinkaas waxaa qasab igu aheyd inaan aniga qabto howshaas,” ayey tiri.

Muqallid ayaa isugu yeertay haweenka tuulada si ay gacan u siiyaan, raggiina faraha ayey ka qaadday – sababtoo ah waxa ay doonaysay inay iyaga xoojiso, malaha waxa ay moodaysay inay tahay inay qabtaan shaqo middaas ka wanaagsan.

Khadiija Farxaat ayaa keentay loori si loogu qaado qashinka dib loo habeynayo
Khadiija Farxaat ayaa keentay loori si loogu qaado qashinka dib loo habeynayo

Haweenka ayey sidoo kale aheyd inay kala soocaan qashinka dib loo habeynayo iyo midka la tuurayba.

Marka Saynab ayaa u baahneyd dad mutadawiciin ah oo albaab albaab fariinta ugu gaarsiiya haweenka guri-kasta. Shaqada noocaasi ah bulshada Muslimiinta ah ee Lubnaan barmaha 1990-meeyadii waxa ay aheyd mid aan ragga ku haboonayn.

Ma aanay haysan qalab iyo kaabayaal dhaqaale toona. Marka sidey arrintan ku bilaabatay?

Khadiija Farxaat oo ay saaxiibo yihiin Saynab Muqallid ayaa jeebkeeda ka soo iibisay loori. Muqallid laf ahaanteedana beer ay laheyd ayaa waxa ay ka dhigtay meel lagu kaydiyo qashinka la habeyn karo.

Suuragal ma aanay ahayn in 10,000 ee qof ee tuulada deggan inay bixiyaan qarash looga qaado qashinka, marka dadka iskood isku xilqaamay ayaa howsha waday.

Sagaal iyo toban sano kaddib weli howshu waa ay socotaa oo 46-da xubnood ayaa qofkiiba sanadkii waxa uu bixiyaa $40.

Toban sano kaddib ayaa waxa ay dhaqaale ay ku dhisaan guri weyn ka heleen safaaradda Talyaaniga, halkaas oo haatan ah meesha ay dadku ku booqdaan Muqallid, kuwaas oo ay ka mid yihiin carruur iskuuley ah, arday waa weyn iyo dadka u ololeeya arrimaha bulshada, kuwaas oo halkaa u taga inay soo bartaan sida ay halkaa wax uga socdaan.

Tiraduse waa ay sii badatay tan iyo markii 2015-kii la xiray goobtii ugu wayneyd ee lagu qubi jiray qashinka Bayruut, iyo buuraha ku xeeran magaalada.

Webi qashin ah oo Bayruut ka dilaacay kahor inta aanan bishii Maarso ee 2016 loo wareejin goob qashinka lagu quboLahaanshaha sawirka
qashin ah oo Bayruut ka dilaacay kahor inta aanan bishii Maarso ee 2016 loo wareejin goob qashinka lagu qubo

Iskudayo la sameeyay oo lagu doonayay in goob cusub oo qashinka lagu qubo loogu helo ayaa durbadiiba guuldarreystay.

Dhammaan dadka haysta mad-hadaba kala gadisan ee Islaamka ee Shiicada iyo Suniyiinta, iyo kirishtaankuba waa ay diideen in loo soo dhaweeyo qashinka qubka.

Kaddibna dowladda ayaa sheegtay inay dhoofinayso qashinka go’aankaas oo ay bilo kaddib ka laabatay.

Waxaa la arkay gawaari qaadaysa qashinka kuna qubaysa badda Mediterranean
Waxaa la arkay gawaari qaadaysa qashinka kuna qubaysa badda Mediterranean

Waqtiga fog dowladda ayaa sheegtay inay doonayso inay gubto qashinka oo ay koronto ka dhaliso.

Hasayeeshee dadka naqdiya arrimahan ayaa sheegaya in ay ka cabsi qabaan in howshaas ay u shaqeyso sidii loogu talagalay, iyadoo bacaha iyo waxyaabaha kale ay keeni karaan qiiq sun ah oo ku dhexmilma amaba ka bata hawada nadiifka ah.

Dad deggan tuulooyin kale ayaa Saynab kaga dayday qaabka ay u nadiifisay tuuladeeda.

Marka malaha la yaab ma leh in qaabka cusub ee qashinka lagu kala soocayo oo qaarna loogu habeynayo qaarna lagu tuurayo ee ay bilowday Saynab Muqallib in ay dad badan jeclaysteen.

BBC-Somali

COMMENTS
Latest News