Saxilnews.com
Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Xildhibaan Ibraahim M. Buubaa Oo U Jawaabay Muuse Biixi iyo Cali Mareexaan‏
March 26, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa sidoo kale waxa uu jawaab kulul Warbaahinta u mariyey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi oo duray Siyaasada Xisbiga Waddani isagoo Gudoomiye Muuse Ujawaabayaana waxa uu yidhi”GuoomiyahaXisbiga Kulmiye waxa uu sheegay wax lagu qoslo waxaanu sheegay in Xisbiga kulmiye aanu marna soo hadal qaadin afkiisa aan laga hayn mudo kordhin inaan loo samayn Madaxweyne riyaale ,taasi oo ah been cad waayo waakii ku hadaaqayey ee lahaa isagoo xitaa qaldaaya magaca Daahir Riyaale ee lahaa Maxamed Riyaale ha dhacao iyo hana soo dhaafo waatii la ogaawixii Kulmiye Mudaharaadyo ka higay arintaas iyo Muwaadiniintii ku nafwaayeyba ,hadaba waxan leeyahay Muuse iyo qayrkiiba la idinka yeeli mayo Mudo kordhinta aad u qiil raadinaysaan taariikhdu waa mid qoran oo idiin taala waxii aad hore uga aaminsanaydeen ee aad kasoo sameyseenba”

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa Gudoomiye Muuse Biixi ugu Maahmaahay Maahmaah hore uu ugu Maahmaahay Madaxweyne Cigaal isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi”Muuse waxan kuugu maahmaahayaa Maahmaahdii Madaxweyne Cigaal Hore kuugu maahmaahay ee ahayd Waa Rafadkay rafanaysay ,markaasi Muusoow waxaanu idinka leenahayHantida Ummadda Muusoow dastuurku wuu cadeeyey Ummaduna way idin arkaysaa in aad Miisaaniyadii Qaranka iyo Hantii Ummadda sida aad ugu tumanaysaan ee aad ugu Ciyaaraysaan”

COMMENTS
Latest News