Saxilnews.com
Afar siyaabood oo doorashada Kenya ay saameyn ugu yeelan karto Soomaaliya
August 9, 2017 - Written by admin

Kenya iyo Soomaaliya waa labo dal oo daris ah oo waddaaga xudduud dheer oo bad, dhul iyo hawo intuba isugu jirta, waxa ka dhaxeeya dano ganacsi, kuwa amni iyo waliba kuwa shucuub oo xadka labadiisa dhinac ku kala nool.

Kenya waxaa ka dhacaysa doorasho, waxaana laga cabsi qabaa in ay ka dhashaan rabshado, haddaba waxa aan qormadan ku eegeynaa saamaynta ay Soomaaliya ku yeelan karto doorashada Kenya.

Ciidamada Kenya ee Soomaaaliya Jooga
Image captionCiidamada Kenya ee Soomaaaliya Jooga

Saamaynta Amniga

Doorashada waddanka Kenya ayay Soomaali badan rumeysan yihiiin inay saamayn kala duwan ku yeelan karto Soomaaliya.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan ciidamo ah, kuwaasi oo ka tirsan ciidamada nabad illaalinta Midoowga Afrika.

Hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka NASA ahna murashax u tartamaya xilka madaxweynanimo ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in haddii u xilka madaxweynaninimo ku guuleysto uu si qorsheysan ciidamada Kenya uga soo saari doono Soomaaliya.

Kenya waxa ay sidoo kale kaalin muuqata ku leedahay dajinta qorshayaasha arrimaha amniga ee Soomaaliya marka laga hadlayo Midoowga Afrika.

Ciidamada AMISOM iyo dadka kale ee ka shaqeeya arrimaha amniga ee Soomaaliya waxa ay inta badan saanadda oga soo degaan dekada Mombasa.

Codbixinta doorashada Kenya oo billaabatay

Codbixinta doorashada Kenya oo billaabatay

Maxaa sababay in ay dad badan ka qaxaan Nairobi ka hor doorashada ?

Codbixiyayaasha xaafadda Islii ee oo safaf dhaadheer ku jira
Qaadka Kenya ka baxa
Image captionQaadka Kenya ka baxa

Xiriirka Ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya

Marka laga hadlayo ganacsiga ka dhexeeya labada waddan, durba waxa maskaxdaada ku soo dhacaya qaadka oo ah badeecada ugu badan ee ay Kenya u dhoofiso Soomaaliya.

Ku dhawaad labaatan diyaaradood oo sida qaadka ayaa maalin kasta taga Soomaaliya halkaasoo Kenya ay ka hesho boqolaal kun oo doolar maalintii.

Ganacsatada Soomaalida ee iyagu laftooda macaash badan ka sameeya ganacsiga qaadka ayaa isha ku haya doorashada Kenya maadaamaa baqdin laga qabo in ay rabshado ka dhacaan Kenya haddii lagu murmo natiijada doorashada.

Ganacsade Cabullahi Afrax Siyaad ayaa sheegay in ganacsiga qaadka ay ku tiirsanyihiin kumannaan Soomaali ah sidaad daraadeedna ay u filayaan in doorashada Kenya ay si nabad ah ku dhacdo.

“Annaga Soomaali ahaan iyo Kenya waxa naga dhexeeya ganacsi aad u weyn oo ah kan qaadka, haddii dawladnimada Kenya ay burburto waxa baaba’aya dad badan oo ganacsato ah, Muqdisho ha joogaan ama Nairobi ha joogaan oo ay noloshoodu ku tiirsantahay ka ganacsiga qaadka, sidaa aawadeed waxaan u rajaynaynaa in si nabad ah doorashadu ugu dhacdo doorashada ” ayuu yiri ganacsade Cabullahi Afrax.

Qaadka oo kaliya ma ahan ganacsiga labada dal ka dhaxeeya, Nairobi waxa ay xarun u tahay ama marin u tahay ganacsato badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo sii mara marka ay safarada ganacsiga dibada u socdaan, ama xitaa ganacsigooda uu si toos ah ugu xiranyahay Kenya.

Duulimaadyada ugu badan ee Soomaaliya dibada oga yimaada ama ka aada waxa ay u duulaan dalka Kenya, iyada oo heshiis iskaashi ah oo dhexmaray labada dowladood uu kaalin weyn kaga jirey qodob ku saabsan duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

Prof Maxamad Macalin Cumar Mayre oo ka faalooda arrimaha Geeska Afrika oo bbc da  la hadashay ayaa yiri “Doorashada Kenya way saamaynaysaa Soomaaliya, Kenya waa udub dhexeedka waddamada Bariga Afrika, Kenya waxa ay ku taalaa meel istaraatiiji ah, waxay leedahay deked weyn oo waddamadan isku xirta, waxay ka tirsantahay urur goboleedyo gobolka ka jira marka isbadal kasta oo ka dhaca wuu saameynayaa Soomaaliya”.

COMMENTS
Latest News