Saxilnews.com
Af-Hayeenka Madaxtooyadda Somaliland Oo Markii Kursigiisa Uu U Baqay Aamaan Badan U Jeediyay Wiil Uu Madaxwayne Siilaanyo Uu…. Iyo Halka Uu Gaadhsiiyay
March 22, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews)- Afhayeenka madaxtooyadda somaliland Xuseen Aadan Cige ayaa ka dib markii uu u baqay kursigiisa waxaa uu amaan badan u jeediyay wiilka u madaxwayne siilaanyo sodoga u yahay ee baashe cawil kaas oo wakhti xaadirkan ka mida shakhsiyaadka haaneeda taladda dalka.

Waxaanu afhayaynku gaadhsiiyay in uu ku ku tilmaamo mid astaan u ah somaliland.

Xuseen Dayr ayaa hore u ahaa wasiirka ganacsiga waxaanu dib loogu soo celiyay xilka uu hadda hayo ee Afhayeenka madaxtooyadda ka mid markii madaxwayne siilaayo u garan waayay booshka wasiirnimo.

Dhinaca kale Xuseen dayr ayaa waxaa uu aad ugu cabsi qabaa in uu waayo booska uu hadda joogo waxaanu xilkiisii kaga mashquulay amaanta qayska siilaayo. Waxaana uu af-hayeen dayr inta badan bayr ka qaaday marka uu maqlo isku shaandhayn ayaa jirta. Taas oo uu uurka gashaddo in uu ku jiro.

COMMENTS
Latest News