Saxilnews.com
Wakiilada Maraakiibta Oo Kordhiyey Lacago ay Hore Uga Diiday Xukuumada Somaliland Waraaqaha Lacagahan Lagu Dalbanayo Halkan Ka Akhri .
August 6, 2019 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Wasaarada Ganacsiga Somaliland ayaa xabsiga utaxaabtay bilowgii sanadkan qaar kamid wakiilada maraakiibta kadib markii ay halmar kordhiyeen lacago xad dhaaf ah oo ay ula baxeen ( terminal handle charge ,THC) taasi oo ay saareen halkii koontiinar ee ahaa 40ft oo hore looga qaadi jiray lacag dhan $155 ( dilivery order ah ) oo lagu daray lagu daray $200 dollar oo ahaa lacag ay ubixiyeen (Terminal handling charge THC ) taasi oo noqonaysa wadarta guud $355 Dollar .

Halka koontiinarka 20ft ahna ay qaadan lacag dhan (Delivery orderka ,D O) lacag dhan $85 lagu daray $155 taasi oo wadarka guud noqonayso $ 240 Dollar .

Markii ay intaasi dhacday wasaarada ganacsiga somaliland , Dekeda Berbera , Iyo kastamka cashuuraha somaliland ayaa soo saray waraaqo ay ku amarayaan in la joojiyo lacagan aan sharciga ahayn ee bulshada lagu kordhinayo mudo markii ay waraaqan horyaaleen ayey shir jaraaid qabteen isla markaasina ganacsatada iyo shacabka somalilandba ucadeeyeen inay ka noqonayaan arintan ay islahayeen ku tijaabiya shacabka iyo dawladba balse maxaa dhacay bilo kadib .

Bishii shanaad ee sanadkan 2019ka ayey hadana ka fakareen inay meel kale ula wareegan kharashkan ay dawladu ku fahamtay ee dulsaarka ah waxayna 7/ 7/2019 ay hadana cadaysteen inay lacagtii dawladu ka diiday ganacstada kaga kordhin doonaan wadamada dibada kuna daridoonaan noolka koontiinarada marka la soo rarayo hada ku darso waa lacagtii lagu xidh xihay ee dulmiga ahayd .

Waana tan iyadoo ku cad waraaq ay qortay shirkada PIL ( Pasific international line ) iyo MSC ( Martime Service company ) iyo sidoo kale Shirkada MSC Oo Kamid Ah Shirkadaha Ka Shaqeeya Berbera.

Lacagtani ayaa ah dariiq kale oo tuugo ah oo ay samaysteen shirkaduhu isla markaana aanay ilaa hada ogayn dawladu lacagaha laga qaado dadka shicibka ah ee dalka dibadiisa badeecadaha kala soo dega.

tani waa waraaqdii Dekeda Berbera Dekeda Berbera ay ku joojisay lacagtan ay hore usoo bandhigeen wakiilada maraakiibtu inay ko kordhiso lacagta loo yaqaano (Terminal handling charge THC ).

tani waa waraaqdii Dekeda Berbera Dekeda Berbera ay ku joojisay lacagtan ay hore usoo bandhigeen wakiilada maraakiibtu inay ko kordhiso lacagta loo yaqaano (Terminal handling charge THC ).

 

 

 

COMMENTS
Latest News