Saxilnews.com
40 ASKARI IYO GAADIID AY WATAAN OO KA SOO GOOSTAY JABHADDA UU HOGGAAMIYO KORNAYL CAARRE OO MAANTA LAGU SOO DHAWEEYAY GOBOLKA SANAAG
December 31, 2018 - Written by editor

 

Dararweyne(saxilnews)-Masuuliyiin Katirsan Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ay Deegaanka Dararweyne ee Gobolka Sanaag maanta ku soo dhaweeyeen tiro ka badan 40 Askari oo ka soo goostay Jabhadda uu hoggaamiyo Kornayl Siciid Cawil Caarre, ee fadhigeedu yahay Puntland gaar ahaan Deegaanka Qardho.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo saraakiil ka tirsan ciidammada millateriga Somaliland ayaa soo dhaweeyay askarta.

Dhawaan ayay ahayd markii ay ka soo goosteen Taliye Gamaal Baaxad Iyo Caaqi Maxamed Dirir oo ka tirsan Jabhadda uu hoggaaminayo kornayl Caarre iyaga oo sheegay in uu Madaxweynaha Somaliland waydiisanayaan in la cafiyo.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysayu Iyada oo shalay gaadhi iyo Hub Saarnaa iyo walaiba lacag lagaga dhacay badhtamaha magaalada Qardho Korneyl Caare iyo Colka falaagadaha ah ee uu wato ilaa hadana aan loo soo celinin.

COMMENTS
Latest News