Saxilnews.com
Ibraahin Mahdi Buubaa Afhayeenka Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Xadhiga Xadhiga Wariyaha KALSAN TV Ee Magaalada Berbera
April 2, 2015 - Written by admin

Hargeysa( Saxil News.com )Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo cambaareeyey Xadhiga loo gaystay wariyihii KALSAN TV ee Magaalo xeebeeda Berbera Axmed Siciid,Wariyahan oo loo taxaabay xabsiga dhexe ee magaaladaasi.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa Afhayeenka Xisbiga Waddani oo xadhigaasi ku tilmaamay mid ka baxsan xuquuqda iyo bini aadanimo wariye Axmed Siciid Maxamed ayaa ka mid ah shaqaalaha KALSAN TV ee berbera kaasi oo ku guda Jiray Hawlihiisa Shaqo wakhtigii la xidhayey.

Waxaana ka mid ah Hadaladii Afhayeenka Waddani Ibraahin MahdI Buubaa’Xukuumadu waxay caadaysatay in ay xidhi oo ay cabudhiso saxaafada madaxabanaan taasi oo ku dayda in ay hantida umada is tidhaa ku aamusiiya marka ay dariiqa saxda ah haystaana ugu badasha xadhig iyo cago juglayn aan dhamaad lahayn’

Isagoo Afhayeenku Sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu intaasi ku daray ‘saxaafadu waa quwada afaraad ee dalka waxayn ka mid tahay meelaha ugu mihiimsan ee qarankani ku hano qaaday xukuumada uu hogaanka Kulmiye Hagayona way caadaysatay in ay xidh-xidho wariya yaal badan iyo hayado badan oo ka mid ah laamaha warbaahinta oo ay kamid tahay Huubaal Iyo Haatuf.

Tan iyo bilawga xukuumada kulmiye ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxay xidhay in ka badan 400 Suxufi,horaantii bishii March ilaa Wakhtigan Waa Wariyihii Afaraad(4) ee magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera ay xukuumadu ku xidhay.

Afhayeenka Xisbiga Waddani waxa uu gaba-gabadii baaq dheer u diray Xukuumada Kulmiye’xukuumada waxaan Leeyahay in ay ka waantawdo xadhiga,cadaadiska iyo caga juglaynta ay ku hayso saxaafada madaxa-banaan kulmiye waxa uu ceel madaw ku riday hiigsigii dhalin badan oo dalkani lahaa saxaafaduna waa qayb kamid ah hagaha Bulshada’ Ayuu Yidhi Ibraahin Mahdi Buubaa.

Berbera oo bishii u danbaysay noqotay goob cadaadis badan ay kala kulanto hawl wadeenada laamaha warbaahinta ee madaxa Banaan,Axmed Siciid Maxamed  ayaa noqonaya Suxufigii U Danbeeyey Ee xukuumada Kulmiye xidho.

 

Cumar C/risaaq Cali
Hargeisa Somaliland

COMMENTS
Latest News