Saxilnews.com
26.June Dhibaato Dhici Mayso
April 18, 2015 - Written by admin

 

 

1991-kii markii Somaliland lasoo noqotay xoriyadeedii hore uga luntay ayaa waxa bilowday dib u dhiskii qaranka oo ku salaysnaa nidaamkan haatan ka jira dalka kaasoo tilmaamaaya in dawladu ka kooban tahay sadex dhadhaar oo isku tiirsan isna taakulaynaaya isna toosinaaya wixii qaladana iska qabanaaya.

Sadex qaybood oo kala ah golaha baarlamaanka oo ka kooban labada aqal-ka sare iyo ka hoose-,  golaha fulinta iyo garsoorka, kuwaas uu u taagan mad madow la’aan iyo dhamaystirka nidaam ku dhisan cadaalad iyo daryeel loo siman yahay oo shacabku ka helo hadba maamulka dawlada gacanta ku haysa.

Golaha fulinta oo ka kooban madaxweyne iyo ku xigeen iyo golaha wasiirada ayaa ku yimaada kursiga doorasho lagu doorto madaxwerne iyo ku xigeen oo iyaguna soo magacaaba golahooda wasiirada u fududayn doona gudashada waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday.

Golaha baarlamaanka qaran oo iyaguna sidoo kale ku yimaada doorasho ay shacab waynaha Somaliland ku doortaan doonistooda cidkasta oo ay u arkaan inay ka fal celin karto baahiyahooda gaarka ah iyo kuwa guud, golahan oo ka kooban labo aqal oo kala sareeya ayaa tiro ahaan marka laysu geeyo isku noqonayaan tiro dhan 164 xildhibaan oo midkiiba noqonaayo 82 xildhibaan.

Sidoo kale waxa iyaguna qaab soo xulid iyo magacaabid uu ku sameeyaa madaxweynuhu garsoorka qaran iyadoo ay ansaxindoonan markaa kadib golaha baarlamaanka oo awood u leh inay aqbalaan iyo inay diidaan labadaba.

Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa isna sidoo kale jira oo ay waajibaadkiisu tahay inuu qabto dhamaan doorashooyinka qaran oo mudo xileedkiisu tahay 5-sanno lana mid ah muda xileedka baarlamaanka iyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Komishankan oo aalaaba laga sugo lagana fisho inuu soo bandhigo qaabka iyo qorshaha lagu galo doorashooyinka kala duwan ee deegaanka, baarlamaan, madaxtooyada, kuwaas oo mudooyinkii u danbaysay lagu gali jiray qaab diiwaan galin la’aan ah.

Hadaba khilaafaadkii ka taagnaa gudaha galoha wakiilada ayaa keenay inuu dib u dhac ku yimaado ansaxinta xunihii komishanka doorashooyinka ee lasoo xulay, taasoo keentay in wakhtigii uu ku eekaa mudo xileedkii madaxtooyadu soo dhawaaday isla jeekaasna ay taagnayd waqrigii la badali laha golaha baarlamaanka oo soo mudo dhaafay in ka badan intii hore loo doortay shan sano.

Hadii sababahaas aynu sare kusoo xusnay dartood uu awoodi waayay komishanka doorashooyinka qaranku inuu ku qabto doorashada waqtigeedii ay ku mudaysnayd uuna codsaday komishanku in mudo inta ka badan lasiiyo taasi meel looga talaabsado ma jirto wixii laga yeelaayo codsiga komishankana golaha guurtida ayuu sharcigu siinayaa, hadii ay goaamiyaan in madaxweynaha loo kordhiyo iyagaa xaq u leh bulshadana u matala go’aanada noocan ah waana shaqadii loo igmaday ee ay golaha u fadhiyeen.

Madaxweynuhu cod ayuu kursiga ku yimi walina mudo xileedkiisii oon dhamaan ayaa lagasii qaylinayaa go’aanka ay qaadan doonan golaha guurtidu lakain golaha wakiilada oo kursiga ku fadhiya mudo ka badan intii la doortay, shan sano oo kale ayay kurisiga ku fadhiyeen mudo kordhin imikana waxay ka qaylinayan in mudo kordhin loo sameeyo madaxweynaha taasi maaha mid ay xaq u leeyiniin inay ka hadlaan hadaanay iyagu ahay maroodiga aan takarta isaga saran aan arag ee takarta ka kale saran arka.

Qore: Ahmednasir Ibraahin
axmed.nasiir@gmail.com

COMMENTS
Latest News