Saxilnews.com
Hillary Clinton Oo Loo Doortay Inay Noqoto Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga
July 27, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

USA (SaxilNEws):-  Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa u xushay Hillary Clinton inay noqoto Musharaxa u tartamaya xilka Madaxweynaha, kadib shirweyne Xisbigaas ku yeesheen magaalada Philadelphia.

 

Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ayaa wxaaa si rasmi ah taageero loogu muujiyay Ms Hillary Clinton oo noqotay Haweeneydii u horeysay ee xisbigaas u doortay inay noqoto Musharaxa Madaxweynaha.

Hillary Clinton ayaa dhowr musharax oo rag ahaa kaga soo adkaatay tartankii is reeb reebka musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, waxaana dadka taageeray ka mid ah Senator Bernie Sanders.

Seygeeda Bill Clinton oo horay Madaxweyne u soo noqday ayaa sheegay in Hillary ay tahay saaxib fiican, isla markaana loo codeeyo bisha November inay noqoto Madaxweynaha Mareykanka.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa todobaadkii hore waxaa uu u doortay Musharaxoodan Donald Trump oo ah nin mayal adag oo hadalo kulul.

Doorashada dhici doonta bisha November ayaa noqon doonta mida ugu xiisaha badan dalka Mareykanka, iyadoo la saadaalinayo in Haweeneydii u horeysay ay Madaxweyne ka noqoto dalka Mareykanka.

COMMENTS
Latest News