Saxilnews.com
20 Qof oo lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Suuq Ku Yaal Gobolka Texas ee Maraykanka
August 4, 2019 - Written by admin

Usa (Saxilnews.com)-20 qof ayaa lagu dilay, 26 kalena waa lagu dhaawacay rasaas ka dhacday Suuq laga dukaamaysto oo ku yaal magaaladda El Paso ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka.

Weerarkan ayaa ka dhacay Dukaan ay leedahay shirkadda Walmart Mall, Xiligaas oo ay ku sugnaayeen boqolaal qof oo dukaamaysanayay iyo shaqaalaha Dukaanka.

Guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa ku tilmaamay weerarkaasi masiibo tii ugu xumayd ee ka dhacda gobolka taariikhda dhow.

Nin cadaan ah oo 21 jir ah ayaa loo xiray weerarka, ka Dib markii uu isku dhiibay ciidamadda Booliiska Gobolka. Warbaahinta Maraykanka ayaa ninkan magaciisa ku sheegtay Patrick Crusius.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka ayaa weerarkaasi ku tilmaamay fal axmaqnimo ah, imago sheegay inuu garab taagan yahay gobolka iyo qoysaska dhibtu soo gaadhay.

COMMENTS
Latest News