Saxilnews.com
‎MA RABTAA IN CIBAADADA ILAAHAY KUU SAHLO ?
June 28, 2017 - Written by Faysal Aadan

Hadaba tani waa arin aan sameeyay oo laga yaabo inay ku anfacdo.السلام عليكمالحمد لله وحده والصلات والسلام على من لا نبي بعدهاما بعدILAAHAY WAXAAN KA MAGAN GALAY ISTUSNIMO IYO ISMAQASHIIN MAADAAMA AY CAMALKA KA DHIGAYAAN WAXBA KAMA JIRAAN,CADAAB RABBINA LAGU MUDANAYO.Wax walba oo dhiba waxaa jira qaab looga hortago,tusaaleahaan cudurada dilaaga ah waxay leeyihiin talaal si aysanba kuugu Dhicin, Daweyntuna waxaa ka fiican in laga hortago. Sidaas oo kale cibaadada Ilaahay kugu adoonsaday si aad ula timaado waxaad u baahan tahay talaal,talaalkuwaa shaydaanka in la quusiyo, waa ninkii hore ugu dhaartay isagoo Allaah hor taagan inuu na dhuminayo wuxuuna Allaah noo soo gudbiyay sirtaas si aan uga digtoonaano:فبعزتك لأغوينهم أجمعين إلا عبادك منهم المخلصين}Cizigaaga ayaan ku dhaartaye waan baadiyaynayaa(lumina yaa) dhammaantood ,adoomadaada kuu khaaska ah Mooyee.Fiirii, Ilaahay adoomada mukhlasiinta ah waa ka Ilaashay, Ogow shaydaan inaad quusiso waa lagama maarmaan si aad u noqoto adoomadaas Ilaahay khaaska u ah,Ilaahow nagu dar adoomadaada khaaska ah,Aamiin.Hadaba inaad soonto,salaada aad tukato iyo acmaasha waajibka ugu ah qof walba gooni diina, sida inay gabadha Muslimadaa ay jirkeeda qariso, dhamaan waxay u baahan yihiin talaal aad Kaga hortagayso shaydaan si aad uga bad baado khatartiisa.Waxaan marka kuu Sheeg ayaa walaalkay ama walaashay Muslimka ahow bowd aan lasoo Mari karin oo adag ku meegaar oo weynee oo dheeree si aan shaydaan u hawaysan. Walaalayaal sidaan soo socota ayaan sameeyay wallaahi Ilaahay baan ku dhaartaye cajaa’ib ayaan ka arkay, oo maxay tahay?Waxaan Isku laasimiyay inaan salaadaha jamaaco ku tukado oo aan waliba masjidka ku tukado,si aan heeraar weyn u galiyo oo ay u noqoto lama hawaystaan ayaan hadana Isku laasimiyay inaan ilaaliyo sunnooyinka raatibka ah oo ah 12rakcadood oo kala ah: 2 ka horreysa Fajarka, 4 ka horeysa Duhurka iyo 2 ka dambeysa, 2 ka dambeysa maqribka iyo ugu dambeyn 2 ka dambeysa Cishaha, Casarku raatibo maleh. Waxaan kale oo aan Isku laasimiyay inaan salaatulleyltukado,sidaa darteed Cishaha kadib ayaan tukadaa Wixii Ilaahay ii qadaro waxaan ku tukadaa ugu yaraan Juz,kadib waqtiga subxiga ka hor ayaan witirka tukadaa oo aan ku ducaystaa, hadaan u toosi waayo witirka waxaa Ilaahay ii fududeeyaa inaan u tooso Fajarka oo aan haleelo Jamaacada, waxaad moodaa in la I leeyahay toosoo salaadagaar.Faa’iidada aad ka helayso waxaa weeye in hadii ay Dhacdo inaad ka Caajisto sunnada maanta, in ay ugu yaraan badbaadayso waajibkii lagaa rabay. Waxa kalifay in waajibku naga dayacmo waa ayada oo aanan Isku howlin ilaaalinteeda.Waxaa kale oo aan ka helay in marka xiliga salaada uu dhow yahay naftu itiraahdo ma salaada mise arinka adduunka,markiiaan qaato go’aanka salaada waxaan soo noqdaa iyadoo ay ii fududaatay howshii adduunyo oo aan ka tagay. Tan kale oo aan ka helay waxy tahay inuu i galo han sare oo aanan ku qancayn wax kale inaan safka hore ku tukado mooyee. Waxaan kale oo aan ka helay inaan isla markaba aan helo Wixii aan Ilaahay weydiisto waliba waxaa kamida wax markaas ay tahay isla markaba inaan helo oo hadaysan ii suurta galin cabsi igu ah..Waxyaalaha aan Isku laasimiyay waxaa kamida inaan akhriyoadkaarta subaxdii iyo tan galabtii, oo tan subixii say u dhan tahay waa dhameeyaa oo waxaan ku dartaa Kuwo mudlaqa,tan galabtii inta badan ma wada dhameeyo Ilaahay ha ii fududeeyee, waxaan akhriyaana kutubka xisnul Muslim. Waxaan kaloo Isku dayaa qaar kamida adkaarta waqtiga leh Sida marka guriga la galayo ama laga baxayo marka masjidka la galayo ama laga soo baxayo iwm.Arimahaas cajaa’ib ayaan ka arkay ee Isku day bal inaad samayso walaalkay iyo walaashayda Muslimka ahow,hadaadarimahaas aad samayso oo aad ku Faa’iido ha iga hilmaaminducada qaybkaa waliba waxaa jira Malak kuu jawaabaya markaad walaal Muslim ah u ducayso oo ku oranaya adigunaintoo kale ayaad leedahay.Waxaan idiin sheegay inaan ugu yaraan Juz qur’aan ah aan ku tukado,marka ha u malayn inaan Qur’aaanka wada xifdisanahay maya ma jirto ee inyar ayaan ka xifdisanahay,waxaanse rajaynayaa in arinkaan ay iigu fududaan doonto inaan ku xifdiyo inta iga dhiman, marka hadaan Anigu sameeyay adna waad samayn kartaa oo hadaad Kitaabka akhrin karto ka akhri,bal isku day adaa cajaa’ib arki doonee..Markaan wiilka yar ahaa ee aan Muqdisho joogay salaada jamaaco ayaan ku tukan jiray,markii la kal qaxay oo shaydaanku Soomaali soo dhexgalayna waxaan tagay Mudug, Bari,Nugaal meelahaas intaan joogeyna salaada jamaaco ayaan ku xifdiyay iyo masjidka, laakiin markaan imidMaraykanka ayaan ka daciifay intii mudo ah oo aan isaga tukanayay guriga anigoo aan lahayn in yar oo cudur daar ah,markii dambe qayb ahaan ayaan ku dadaalay inaan jamaaco ku tukado, laakiin subxiga marna ma dhicin inay Ramadaan tahay Mooyee, laakiin Alxamdulillaah mar kale ayaa Ilaahay nicmadaas ii fududeeyay waxaanan ka rajaynayaa inuu xaaladaas igu oofsado. Salaada subxiga waasalaada iigu fudud hada oo aan aad u Jeclahay,hadaadJamaaco ku tukato maalinkaas dimada Ilaahay baad ku jrtaa(maganta Allah) ,hadaan wax ka cabsanayo maalintaas waxaa niyadayda soo gasha soo saaka Fajarkii jamaaco kumaadan tukan maxaad ka cabsanaynaa maad Ilaahay u tala saaratid.Walaalahayow arinka aan idiin sheegay waa sir ay ahayd inaan qarsado,waayo waa arin ay dhici karto hadii uu isoo galo istusnimo iyo ismaqashii oo dadku haku amaanaan Khatar igu noqon Kara Ilaahay ha Iga bad baadiyee, balse waxaan rabaa inaad qaabkaas aad igala faa’idaysataan oo aad darbi iyo bowd adag aad u Samaysaan cibaadada,Isku day in Alle iyo intaad samayn karto, ikhlaas kana aan ku dadaalno.Ilaahay waxaan ka baryayaa Labadaydii waalid ee isoo barbaariyay inuu u naxariisto,cadaabul qabri, cadaabka Jahnnama iyo Jidka siraadba uu ka badbaadiyo janatul Firdowsna uu hoy gooda ka dhigo,Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu noo xifdiyo xaasaska iyo caruurta oo uu baari nooga dhigo, Ilaahay waxaan weydiisanayaa inuu u naxariistointii dhimatay, inta noolna uu xifdiyo culumadaydii dhammaan mid aan wax ka akhristay ama mid aan hal kalmad ka maqlay, Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu noo fududeeyo Wuxuu jecel yahay oo Raali ka yahay, Ilaahay hanoo fududeeyo dikrigiisa, mahadintiisa iyo cibaadadiisa inaan hagaajino,Ilaahay dhamaanteen qof walba ha u sahlo Wixii khayra oo uu jecel yahay hana naga badbaadiyo wax kastoo shar ah, Ilaahow noo fududee inaan soo gudano Sanadka soo socda acmaasha xajka noona qadar inaan booqano beytkaaga xurmada leh marar badan,Ilaahow cadaabkaaga naga bad baadi noocayadiisa, nagana dhig kuwa dhaxlaya Janatul Firdows Al-aclaa Adigaa awoodaas Iska lehe, Aamiin.Fadlan walaal hadaan Allah dartiis walaalo ku nahay iigu ducee inuu Ilaahay xaqa igu sugo oo igu dilo igu a soo bixiyo,iiguna soo ducee Sanadka soo socda waxaa niyadayda ku weyn inaan soo guto waajibaadka xajka oo aan booqdo beyt Allaah ee xurmada leh.Ilaahay Towfiiqda Hana waafajiyo.Waa walaalkiin oo idin la jecel khayrka naasixna idiinku ah.

COMMENTS
Latest News